Wararka

M/weyne Trump oo ka war wareegaya jawaabtii dilkii Khashoggi oo aqalka wakiilada…


Maamulka Madaxweyne Trump ayaa diiday in uu ka jawaabo codsi uga yimid aqalka Congress-ka oo ku aaddan in la soo saaro warbixin caddaynaysa ciddii ka dambaysay dilkii Wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.

Wakiilada aqalka Congress-ka ayaa bishii October gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in baadhitaan lagu sameeyo dilkaas iyo in Aqalka Cad uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo arrintaas.

Mas’uul katirsan Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu diido in arrintaas uu gacan ka gaysto.

Khashoggi ayaa la dilay bishii October ee sanadkii hore kadib markii uu galay qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Waxa uu ahaa nin aad u dhaliila xukuumadda Sacuudiga. Maydkiisii ayaa la sheegay in la jarjaray ilaa iyo haddana lama hayo meel la geeyey.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in howgalka noocaas oo kale ah uu ahaa mid u baahan in uu oggolaado Dhaxal Sugaha dalkaas Maxamed bin Salman.

Hase ahaatee Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku adkaysanaya in wariyahaas ay dileen koox arxan laaweyaal ah oo katirsan sirdoonka Sacuudiga kuwaas oo aan ku socon amar ka yimid Dhaxal Sugaha.

Sidoo kale golaha Senate-ka ayaa Mr Trump ku dhaliilay in uu ku guuldarraystay in dilka Wariyaha uu si toos ah dusha ugu saaro Dhaxal Sugaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: