Wararka

Manchester City oo maqaarka ka fiiqday kooxda Chelsea kadib markii 6-0 uga badisay…


Manchester City oo gurigeeda lagu cayaarayey ayaa u awood sheegatay kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Premier League.

Ciyaarta oo aad u xiiso badneyd waxaa albaabka goolasha furay Raheem Sterling oo daqiiqadii 4aad gool dhaliyey, Aguero ayaa dhaliyey 2 gool daqiiqadaha 13 iyo 19, sidoo kale qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Ilkay Gundogen dhaliyey gool 4aad daqiiqadii 25aad.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Aguero gool ku laad gool u bedelay daqiiqadii 56aad, halka liiska goolasha soo khatumay Raheem oo dhaliyey goolkii 6aad daqiiqadii 80aad.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 6-0 runtii macquul ma ahan laakin wey dhacday.

Dhinaca kale Manchester City ayaa hogaanka Premier League ku soo noqotay.

Shabakada Wararka

hagaag.com

info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: