Advertisements
Wararka

R/wasaaraha Itoobiya oo Addis Ababa ugu sameeyey casho sharaf madaxda Midowga Afrika…


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xalay magaalada Addis Ababa ugu sameeyay casho sharaf Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka cashada ayaa ahaa mid ay Madaxda isku xog wareysteen, iyadoo la arkayay qaar ka mid ah Madaxda Afrikaanka oo shaar isku eg oo ah hidiyo dhaqanka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb gashay xaflada casha sharafta, waxaana ay isku arkeen Madax kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jabuuti.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta furmaya, waxaana Madaxda lagu casuumay ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: