Wararka

Elizabeth Warren oo Trump ku sheegtay inuusan madaxweyne sii ahaan doonin 2020…


Elizabeth Warren oo ah 69 jir u sharraxan xilka madaxweynaha Mareykanka sannad iyo bar ka dib ayaa sheegtay in madaxweynaha iminka talada haya ee Donald Trump uusan madaxweyne sii ahaan wixii ka dambeeyay sannadka 2020-ka, islamarkaana laga yaabo in xabsi loo taxaabao.

Musharraxada oo ku dhawaaqday musharraxnimadeeda horraantii sannadkan ayaa hadalkan sheegtay xilli ay wareysi siineysa taleefishinka CNN, waxaana ay xabsiga loo taxaabayo Trump u cuskatay arrinta doorashadii uu kusoo baxay ee lagu eedeeyay in uu Ruushka la kaashaday.

Waxa ay sidoo kale ku eedeysay Elizabeth madaxweyne Trump in uu cunsuri yahay, iyadoona ay ku baaqday in xafiiska madaxweynaha laga daayo ku dhaqanka cunsuriyadda iyo qorraalada naceybka xambaarsan ee lagu soo qoro barta twitterka Donald Trump.

Siyaasiyadan ayaa kasoo jeedda xisbiga Democratic Party ee la tartama kan madaxweyne Donald Trump ee Republican Party.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: