Advertisements
Wararka

Iskuul xalay laga dhacay dhammaan computer-dii yaalay ee degmada Dharkeynley…


Iskuul lagu magacaabo Banaadir ayaa waxaa xalay dhac u geystay Shan nin oo watay laba qori oo Ak47 ah & Bistoolad waxayna halkaasi ka qaateen qalab u badnaa Computaro.

Maamulaha Iskuulka dhaca loo gaystay C/laahi Sheekh C/raxmaan, ayaa Warbaahinta wuxuu u sheegay dadkii dhaca gaystay inay xir xireen Waardiyihii Iskuulka joogay, kadibna ay aruursadeen Computarada.

Wuxuu sheegay Computarada ay qaateen Kooxda dhaca gaysatay inay ku jireen xogta Iskuulka & dhamaan Diiwaanka ardayda muddo 10 sano ah oo ay adag tahay in dib loo helo.

“Nimanka Iskuulka dhacay Shan nin ayey ahaayeen 2 Qori & Bistoolad ayeey wateen dhamaan Computaradii yaalay Iskuulka ayey qaateen oo macluumaadkii ardayda ku jireen, waardiyihii Iskuulka waa ay xir xireen sidaas ayey ku qaateen.” Ayuu yiri Maamulaha Iskuulka.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dabley hubaysan oo dhaca u gaysata goobaha Iskuulada ee ay ardayda joogaan & goobaha kale ee ganacsiga Magaalada gudaheeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: