Wararka

Nin lagu tuhunsanaa xatooyo oo loo isticmaalay mas si uu u qirto dalka Indonesia…


Bilayska Indonesia ayaa raaligelin ka bixiyay isticmaalka mas si ay ugu cabsi geliyaan tuug la tuhunsanaa, kadib markii fiidiyoow lagu soo bandhigay Internetka.

Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa saraakiisha oo qosolaya halka baaruhuna korka ka saarayo maska iyadoo qofkiina qaylinayo asaga oo weliba ka xirnaa labada gacmood meel ka mid ah Papue ee Bariga Indonesia.

Qofka la tuhunsan yahay ayaa loo maleynayaa in uu xaday taleefannada gacanta.

Taliyaha Bilayska ayaa ku tilmaamay dabeecaddan in ay tahay mid aan xirfadeysneyn, laakin wuxuu difaacday in maska ama abeesada aan laheyn sun.

“Waxaan tallaabo adag ka qaadnay kuwii fuliyay,” ayuu yiri Tony Ananda Swadaya oo hadal ka soo saaray dhacdada, isaga oo intaas ku daray in askartu aysan garaacin ama ku xadgudbin ninka.

Swadaya waxa uu sheegay in saraakiisha ay u dhaqmeen si iskood ah iyaga oo isku dayayeen in ay ka soo saaraan qirasho tuhmanaha.

Fiidiyowga ayaa laga maqlayey cod dhahaya ama ku hadadaya tuhmanaha in uu maska afka iyo gudaha surwaalka u gelin doono.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: