Advertisements
Wararka

Dalkii waxaa ku batay dulaal deraja doon ah dowguu u mari lahaana waa dacaayad…


Dalkii waxaa ku batay dulaal deraja doon Dowgu u mari lahaana waa dacaayad iyo xumaan dagaal iyo dabshid haddii la diido halkuu doonayo,
Daleel waxay ka heleen idaacado iyo tv dayacan, dolar ku shaqeeya,
Dadweynow doodeyda dhageysta,
Dalkan shalay dad isku duuban baa dhiigooda u daadshay dumar iyo rag leh,
Darxumo iyo xabsi dandaro iyo ciil dadkii u soo maray duqii Muuri ba u dambeeyey,
Dumarna Timiro Cukaash,
Dulaalow doc ka yeer inaad tahay aan ku daliilsho,
Duhur cad shaly calanki dalka gaal baa dambiil ku ritay oo yiri dowlad ma aha Somalia,
Dad noociina ah baa ka dambeeyey,
Dagaal micno daro ah dalkii geliyey iyaga oo derajo doon ah,
Dib baa lagugu soo celiyey sidii deyn ka maqneyd,
Dusha ka ilaalinaya kuma deyn karo danihiisa gaarka baa ka daran waxaad la digdig
leedadahay aw dulaalow,
Dowlad daba ka riix ah,
Baarlamaan dulaal ah oo cidi soo dooran bay dantu na biday ee doqonyahay dib
uga joogsada,
Dalka fiiriya iyo dadkeena dayacan, dacas kii u kordhiya dhaama dulaal waashay,
Dalka naga badan dadnimo iyo aqoon dastuur xeer aan degsano doorasho xur ah,
Dulaalow u diyaargarow,
Danta guud dulqaad bey u baahan tahay,
Dowlad waa dadka hogaamiye ma diidi karo waxay doonayaan shacabka,
Dadkii dusha ka maamulayey weli xalane ayey degen yihiin,
Aw dulaalow miro berde duduub baa lagu liqaa,
Dadweynow dalkan xur ma aha dadbaa ilaashanaya,
Deerka Xalane ayey joogaan meel dheer ha ka doonina,
Dekedihii, caafimaadki, waxbarashadii, ciidamadii, ganacsigii, faraha maxaa noogu jira,
Magacii wadanka Somalia kaas aan ilaashano,
Dibnaha xirta danta guud aan udareerno dolar kii dhaca dib baa loola xisaabtami,
Aan diido wixii dib noogu celinaayo in calankeena dambiil mar kale lagu qaato.

Enj. Jiraabay….

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: