Wararka

Pompeo oo sheegay in Mareykanka uusan qarin doonin fal dambiyeedkii dilkii Khashoggi…


Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ka hadlay halka ay ka marayaan baaritaanka dilka wariyaha Sacuudiga ee lagu dilay magaalada Istanbul bishii Oktobar labadeedii sannadkii hore xilli uu booqday qunsuliyadda dalka Sacuudiga ee Istanbul.

Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka marnaba uusan qarin doonin fal-dambiyeed dil ah, waxaana uu intaasi raaciyay in ay wali baaris ku wadaan dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu eedeynayo dowladda Sacuudiga.

Warkan ayuu wasiirku sheegay xilli uu warbaahinta kula hadlayay dalka Hungary, oo wax laga weydiiyey arrinta dilka wariye Khashoggi.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii kongresska Mareykanka uu ka dalbaday in madaxweyne Trump uu caddeeyo cidda ka dambeysay dilka wariyaha taas oo la sheegay in uu ka cagajiiday.

Maamulka Trump ayaa horay u cadeeyay in aysan cilaaqaadka Sacuudiga iyo Mareykanka u dhaxeeya uusan u xumaan doonin wariye la dilay, islamarkaana ay wadaagaan cilaaqaad qoto-dheer oo dhaqaale, ciidaan iyo xogba leh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: