Advertisements
Wararka

Mohammed bin Salman oo booqasho ku tegi doono Pakistan iyo dadka reer Pakistan oo yaaban…


Pakistan ayaa rajeyneysa in booqashada dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ee ku tagayo caasimada Pakistan ee Islamabad si uu ula galo heshiisyo dhaqaale oo ku kacaya 20 bilyan oo dollar, sida lagu sheegay wargeyska “The News International” ee Pakistan. Booqashada ayaa waxay socon doontaa laba maalmood oo keliya laga bilaabo Febraayo 16da.

Wakaalada Wararaka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Boqor Salman bin Abdul Aziz uu u wakiishay dhaxal sugaha inuu heshiisyo la galo Pakistan intii lagu guda jiray shirkii golaha wasiirada Sacuudiga ee qabsoomay 12 February.

Hase yeeshee, booqashada ayaa dhalisay muran gudaha saxaafadda Pakistan sababtoo ah booqashada oo noqotay mid xayeysiis iyo raaxo aad u weyn ah oo lagu bixinayo lacag aad u badan oo aan loo baahneyn, waxaana la siiyey darajada shakhsiga ugu muhimsan ee (VVIP) inta ay socoto booqashada.

Khan-Salman.jpg

Marka diyuurada sidda dhaxal sugaha ay soo gasho hawada Pakistan, waxaa la socon doona diyaarado kuwa dagaalka ee Pakistan oo ah JF-17.

Imaanshaha shan baabuur oo waaweyn oo sida baahiyaha Mohammed bin Salman ee khaaska ah Islamabad, waxaa ka mid ah qalabka jimicsiga, alaabta guriga iyo alaabooyinkiisa khaaska ah.

Waxaa la kireeyey Laba hotel oo kuwa shanta xiddig ah si buuxda si ay u deggaan wafdiga Sacuudiga.

Imaanshaha ciidanka gaarka ah ee boqortooyada caasimada Pakistan si ay u fuliyaan qorshaha ammaan oo lagama maarmaanka u ah amiirka.

Waxaa la soo rari doona 80 boorso ama shandad oo ku jirta alaabaha lagama maarmaanka u ah amiirka.

Waxaa iman doona gawaarida khaaska u ah bin Salman oo ku isticmaali doona Islamabad.

Wafdiga Sacuudiga ayaa wuxuu ka koobmaa 1100 mas’uuliyiin iyo ganacsato.
Waxaa loogu talagalay wafdiga in ay isticmaalaan inta ay joogaan Pakistan 300 oo gawaarida Land Cruiser-ka ah.

Inta lagu guda jiro booqashada, labada dhinac waxay saxiixi doonaan afar qodob oo is faham ah oo qiimihiisu yahay $ 15 bilyan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6319 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: