Wararka

Nin Ciraaqi ah oo is afduubay oo waalidkiisa ka dalbaday madax furasho 100 kun Dollar…


Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in muwaadin Ciraaq ah uu sheegtay in la afduubay oo aabbihii ka dalbaday lacag madax furasho ah oo garayso 100,000 oo dollar.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda, Major General Saad Maan, ayaa sheegay in qof uu u sheegay Xafiiska la dagaalanka Dambiyada ee degmada Mansour oo ka tirsan gobolka Baghdad in wiilkiisa la afduubay.

Waxa uu sharaxay afhayeenka ka dib ururinta macluumaadka, baaritaanka ilaha sirta ah, iyo la socodka kaamaradaha ilaalinta oo la isku daray waxay noo geeyeen wiilka la sheegay in la afduubay.

Maan ayaa sheegay in ka dib markii si qoto-dheer loo baaray Wiilka, waxaa muuqatay in uusan la kulmin afduub, laakin wuxuu kula heshiiyey nin saaxiibkiisa ah in la qariyo si ehelkiisa loogu qanciyo in la afduubay.

Waxa uu tilmaamay in wiilka doonayay in uu aabihiis ka qaato boqolka kun oo dolar, laakin kiiska wiilka ayaa loo gudbiyey maxkamadaha ku shaqada leh si talaabo sharciga waafaqsan loogu qaado.

Bayaanka wasaarada ayaan faahfaahin shaqsigan iyo dabeecada dacwada sharciga ah ee lagu qaadayo, laakin khabiir ku xeel dheer qaanuunka ayaa sheegay in muwaadinkan oo isku sheegay in la afduubay si uu waalidkiisa ugu qasbo in ay bixiyaan magdhow wuxuu gelayaa khaanada ah dhac iyo khiyaano xeeladeysan, wuxuuna muteysan karaa shan sano oo xabsi ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: