Advertisements
Wararka

Qarax xoogan oo lagu dilay askar ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee Iiran…


Ugu yaraan 27 askari ayaa lagu dilay qarax xoogan oo ka dhacay dhanka koonfur galbeed ee wadanka Iiraan kaasi oo lala beegsaday ciidanka kacaanka Iiraan.

Weerarka ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka amniga waxaana uu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Zahedan iyo Khash oo u dhow xadka Iiraan uu la wadaago Pakistaan.

Mas’uuliyada weerarkaan ayaa waxaa dhabarka u ritay kooxda Jeysh Al Cadli oo dagaalka kula jirta xukuumada Tehran.

Gobolka Baluchestan ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro ka dhan ah ciidanka kacaanka Iiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6319 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: