Wararka

Salman Rushdie oo dil ugu xukunnaa Iran oo sheegay inuu nolol caadi ah ku nool yahay…


Qoraaga British-ka ee asalkiisa ka soo jeeda India Salman Rushdie ayaa xaqiijiyey in uusan mar dambe dooneyn inuu ku noolaado dhuumasho isla markaana kama qoomameynayo buuggii uu qoray, kadib sandguuradii 30aad ee ka soo wareegtay markii la soo saaray Fatwo lagu daadinayo dhiiggiisa oo soo saaray aasaasaha Jamhuuriyada Islaamiga ee Iran Ruhollah Khumeyni sababta oo aheyd buug uu qoray oo ahaa “Aayadaha shayddaanka.”

Nolosha qoraagan ayaa is bedeshay 14kii February 1989, markii Khumeyni amray in dhiiggiisa la daadiyo, kadib markii uu ku tilmaamay buuggiisa “Aayadaha Sheydaanka” inuu aflagaadeeyey Islaamka wuxuuna ku dhacay kufri ama gaalnimo, markaasi kadib ayaa Tehran u cusbooneysiin jirtay sanad walba Fatwada.

“Ma doonayo in aan ku noolaado dhuumasho ama isqarin,” ayuu Rushdie u sheegay AFP intii ay u socotay booqashadiisa Paris. In ka badan 13 sano, wuxuu u dhaxeeyey guryo badan oo qarsoon asaga oo isticmaalayey magac amaah ah oo ahaa Joseph Anton, wuxuuna guryaha bedeshay 56 jeer lixdii bilood ee ugu horeysay.

Rushdie ayaa xaqiijiyey asaga oo ka qeyb galay carwo buugaagta ah ee Bariga Faransiiska inuu ku nool yahay nolol caadi ah magaalada New York, halkaasi oo uu deggenaa muddo ku dhow 20 sano.

“Satanic Verses” ama Aayadaha Sheydaanka ayaa ahaa buuggii shanaad ee Rushdie alifo.

In kasta oo muran badan abuuray buuggiisa, waxaa Rushdie weli ku adkeysanayaa wixii uu ku qornaa buugga, wuxuu si adag ugu jawaabay su’aal aheyd inuu ka qoomameynayo alifaada buuggaasi wuxuu ku jawaabay “kama qoomameynayo”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: