Advertisements
Wararka

Xildhibaan Ilhan Cumar oo si kulul uga jawaabtay hadaladii ka soo yeeray Donald Trump…


Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul ugu jawaabtay Donald Trump, kaasoo hadalo iyada ka dhan ah sheegay, ugana baaqay inay is casisho.

Qoraal kooban oo ay ku soo qortay Twitterkeda ayey ku sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump, iyadoo tilmaamtay in noloshiisa oo dhan ay nacayb ku saleysan tahay.

Donald Trump ayaa isagoo saaran diyaaradda “Air Force One” Talaadadii la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump iyo xisbigiisa ka difaacday hadallada Ilhaan Cumar ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah.

Nancy Pelosi ayaa sidoo kale Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah

Ilhaan Cumar, ayaa maalmihii danbe eedo kala duwan la kulmeysay, wixii ka danbeeyay markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah urur u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Ilhan Omar oo xisbi ahaan katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress­ka Mareykanka xubin ka noqday.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: