Advertisements
Wararka

Munaasabada xuska todobaadka magaalooyinka oo si habsami leh uga bilowday Jigjiga…


Waxaa si habsami leh u bilowday xuskii todobaadka magaalooyinka ee Jigjiga lagu qabanayay oo saakay ka furmay garoonka kubada cagta ee Jigjiga.

Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay oo garoonka soo buux dhaafiyay, sidoo kale baambayda ciidanka booliska DDS ayaa iyaguna dhoolatus ka samaynaya gudaha garoonka.

Dadka kasoo qayb galay ayaa waxaa ka mid ah, Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo Mas’uuliyiin heer fedaraal ah.

Meesha waxaan ka maqnayn Ubaxa Degaanka oo ah carruur yaryar oo wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo qayb wayn ka qaadanaya qurxinta goobta munaasabadda.

Guud ahaan munaasabadda xuska todobaadka magaalooyinka ayaa ah mid aad u qurxoon isla markaana dadka isugu yimid ee ka kooban qowmiyadaha dalka ay wajiyadooda ka muuqataa dareen farxadeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: