Advertisements
Wararka

Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay laamiga Maka al Mukarama ee Mogadishu…


Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax caawa ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo ay ku yaalaan Huteelo iyo xarumo kale oo ganacsi.

Qaraxan ayaa wuxuu khasaare xoogan u geystay Hotelka Maka al Mukarama iyo Hoteelo kale oo ku dhow, iyo dhismayaal badan.

Khasaaraha qaraxa ayaa lagu sheegay in ay ku dhinteen shan ruux, waxaa wararka ay sheegayaan in qarax labaad uu ka dhacay meel aan ka dheereyn halka uu qaraxii hore ka dhacay.

Ciidamada ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa xiray aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda gurmad xoogan oo loo sameynayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadan oo laga maqlay Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: