Advertisements
Wararka

Qarax xoogan oo goor dhoweyd lagu weeraray Hotel Maka al Mukarama Mogadishu…


Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaweyd jugtiisa waxaa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo jawiga Magaalada uu ahaa mid aad u deggan.

Qaraxan ayaa waxaa lagu dhuftay Hotelka Maka Al Mukarama sida ay wararka sheegayaan, Hotelka wuxuu saaran yahay wadada laamiga.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray dad u badnaa shacab oo fadhiyay maqaayada ka agdhow Hotelka.

Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray oo wadada xiray, iyadoo gaadiidka ambalaaska ay daad gureynayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi.

Muqdisho ayaa maalmahan ammaankeeda wuxuu ahaa mid hagaagsan oo qaraxyo aysan ka dhicin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: