Advertisements
Wararka

Dhawaqa madaafiicda oo laga maqlay xaafadaha ku hareereysan Madaxtooyada Villa…


Goor dhaweyd ayaa agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia waxaa ku soo dhacay tiro hoobiyeyaal ah oo aan la garaneyn rasmi ahaan goobta laga soo tuuray.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyada Somalia ee 15-May & Xaafadda Caga Dhiig oo dhamaan ka tirsan Degmada Warta Nabadda, ayaa la sheegayaa inay hoobiyeyaasha qaar ku dhaceen.

Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Illaa Afar hoobiye ayaa lagu qiyaasayaa Madaafiicda soo dhacday oo si faah faahsan aanan loo helin goobaha rasmiga ah ee ay ku kala dhaceen.

Al Shabaab ayaa xilliyada qaar sidan oo kale madaafiic ugu soo tuurta Madaxtooyada Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: