Advertisements
Wararka

Kumanaan qof oo reer Algeria ah oo ka banaanbaxay is sharaxaada M/weyne Bouteflika…


Kumanaan qof oo reer Algeria ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ayagoo ka caraysan qorshaha madaxweynaha 81 jirka ah ee Abdelaziz Bouteflika uu ku doonayo in uu mar shanaad madaxtinimada dalkaas isu soo taago.

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilamysiisa u adeegsaday dad dibadbaxyo ka dhigayey magaalada caasimadda ah ee Algiers.

Waxaa aad u yar in dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo ay ka dhacaan dalka Algeria hase ahatee dhowr mudaharaad ayaa dillaacay kadib markii la xaqiijiyey in Mr Bouteflika uu musharax yahay.

Waxaa aad u yarayd in fagaareyaasha lagu arko tan iyo markii uu kusoo booday xanuunka qalalku sanadkii 2013-kii, wuxuuna haatan baadhitaano caafimaad ku marayaa dalka Switzerland.

Dadweynaha oo Jamcihii socod ku dhex maray magaalada caasimadda ah ee Algiers, ayaa qaar dibadbaxayaasha kamid ah waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin “iskatag macnaheedu waa iskatag”.

Dibadbax Algeria.jpg

“Labaatan sano kugu filan” ayay tiri haweeney ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, taas oo dibadbaxa ay ku weheliyeen saygeeda iyo caruurteeda.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuurayey meel u dhow aqalka madaxtooyada waxaana gadaal u celiyey booliiska oo ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labada dhinacba ay dhaawacyo jireen.

Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale salaaddii jimcada kadib ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Algeria.

Mr Bouteflika ayaa xukunka dalkaas qabsaday sanadkii 1999-kii wuxuuna sumcad ka helay in uu soo afjaray dagaal sokeeye oo galaaftay in kabadan 100,000 oo qof.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: