Advertisements
Wararka

Waddooyinka Mogadishu oo qeybo ka mid ah xiran, dadkuna lugahoogada ayey maalayaan…


Qeybo ka mid ah Waddooyinka Muqdisho ayaa saaka xiran, kaddib qaraxyadii habeen hore ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Waddooyinka ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ku go’an gaadiidka dagaalka.

Ciidamada ayaa waddooyinka ka xiray Isgoysyada muhiimka, sida Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.

Sidoo kale gaadiidka ayaa loo diiday inay ka soo gudbaan wadada Wadnaha, isla markaana ay soo aadaan dhinaca Maka Al-Mukarama.

Qaraxyo iyo weeraro marka ay magaalada Muqdisho ka dhacaan waxaa caado noqotay in waddooyinka la xiro, waxaana su’aal ka taagan tahay halka uu soo maro gaadiidka qaraxa sida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: