Advertisements
Wararka

Wiil ay dhashay M/weynihii hore ee Liberia oo loo xiray eedeymo lunsasho lacageed…


Charles Sirleaf, oo ah wiil ay dhashay madaxweynihii hore ee Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa loo xiray eed la xiriirta lacag u dhiganta 104 milyan oo doolar oo lacagta dalkaas ah.

Wuxu ahaa gudoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe markii lacagtaa la soo daabacay bishii Maarso ee sannadkii hore. Ninkii isna madaxa u ahaa oo ah gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe, Milton Weeks, ayaa isna la xiray. Qareennadooduna ilaa haatan arinta kamay hadal.

Raggan waxa la xiray markii ay soo baxday warbixinta baadhitaan lagu hayey malaayiin lacag ah oo la lunsaday.

Warbixintaa aadka loo sugayey, ayaa waxa baadhitaankii ay ka soo baxday waday hanti dhawreyaal ka socday shirkadda Kroll Associates, waxaana Khamiistii soo bandhigtay safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalkaas.

Waxa la baarayey lacag cusub oo la sheegay in la soo daabacay sannadkii hore oo xaddigeedu u dhigmo in ka badan 100 milyan oo doolar.

Waxa aad loo hadal hayey in kontiinarro ay ka buuxdo lacagtaai laga waayey dekedda iyo madaarka Monrovia, laakiin warbixintu caddayn buuxda umay helin arintaasi in ay dhacday.

Hase yeeshee, waxa baadhitaanka lagu ogaaday in Bankiga Dhexe ee Liberia kelidii sifo sharci darro ah u soo daabacay lacagtaas oo uu dalka soo geliyey saddex laab in ka badan xaddigii loo cayimay.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee shixnadda lacagta uu soo daabacay labaatan goor oo kala duwan la soo geliyey dalka, ayaa caddayn kari waayey halka lacagtaasi martay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: