Advertisements
Wararka

Maamulka Puntland oo dib dalkooda ugu celiyay ilaa labo kun oo soo galooti Itoobiyaan ah…


Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dib ugu celisay dalkoodii illaa 2,000 oo soo galooti Itoobiyan ah,sida laga soo xigtay guddiga qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Puntland.

Dadkan ayaa inta badan laga aruuriyay xaafadaha magaalada Boosaaso oo ay ku badanyihiin soo galootiga Itoobiyanka ah, halka qaar kalana la qabtay xilli ay doonayeen inay galaan Boosaaso.

Puntland wali faahfaahin kama bixin sababaha soo galootiga Itoobiyanka ah dalkooda loogu celinayo,iyadoo tirada labada kun ah ee dib loo celiyay ay ka dhigantahay tiradii ugu badneyd ee Puntland ku celiso Itoobiya.

Boqollaal Itoobiyan ah ayaa la aaminsanyahay inay sannad walba soo gaaran Puntland, kuwaas oo inta badan isku daya inay hab tahriib ah ugu gudbaan dalka Yemen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: