Advertisements
Wararka

Dadka dalalka Carabta ee ugu qaadashada badan jinsiyada Mareykanka oo la soo bandhigay…


Sida laga soo xigtay Hay’ada Dhalashada iyo tirakoobka Socdaalka ee Maraykanka ayaa sheegaysa in dadka ka soo jeeda dalalka Ciraaq, Masar, Somalia, Jordan iyo Morocco sida ay u kala horreeyaan ay ugu badan yihiin dalalka Carabta qaadashada dhalashada Mareykanka sanadkii 2018, halka dadka ka yimid Suuriya, Ciraaq, Masar, Somalia iyo Jordan ay yihiin kuwo u qaadashada badan degennaanshaha joogtada ah marka loo fiiriyo dalalka carabta ee kale isla sanadkaasi.

Waxay u qaybsan yihiin kuwa hela deganaanshaha joogtada ah laba qaybood: kuwo dib loo eegey wadcigooda iyo dad cusub oo yimid.

Waxaa jinsiyada Mareykanka qaatay sanadkii hore 544,475 qof oo ka kala yimid adduunka oo dhan, saamiga Ciraaq ayaa noqday 8047, Masar 4459, Somali 3096, Jordan 2332, Morocco 1818.

Nasiibka dalalka carabta ee kale ee helay jinsiyada Mareykanka waa sida tan:
Syria 1694, Lebanon 1665, Yemen 1061, Sudan 1052, Algeria 637, Tunisia 216, Mauritania 185, Libya 125, Saudi Arabia 110, Kuwait 44, Jabuuti 39, Bahrain 19, Imaaraadka 16, Qatar 5, Oman 4.

Dhinaca kale Mexican-ka ayaa ugu qaadashada badan jinsiyada Mareykanka, India ayaa ku xigta, kadibna waa Shiinees, filibiin iyo Cuban-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: