Advertisements
Wararka

Madaxda dalalka Somalia iyo Itoobiya oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee Kenya…


Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa caawa ku sii jeeda magaalada Nairobi kadib markii ay maanta wadahadal ku yeesheen magaalada Addis Ababa,

Ujeedada safarka labada hogaamiye ayaa lagu sheegay inay tahay sidii kulan saddex geesood ah ay u wada yeelan lahaayeen Madaxda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya,

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa safarka Madaxweynaha ku sheegay bogga Villa Somaliya.

Xiriirka dalalka Soomaliya iyo Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xumaaday kadib markii Dowlada Kenya ay ka soo erisay dalkeeda Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya isla markaana u yeeratay safiirkeedii.

Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya inay dooneyso inay iibgeyso dhul badeed ay leedahay,hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa beenisay inay iibineyso dhul badeed ay leedahay dowlada Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maalin ka hor kula kulmay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxana uu doonayaa in uu heshiis dhex dhigo labada Madaxweyne.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: