Advertisements
Wararka

Sacuudiga oo ku sheegay in ay xilli hore tahay furitaanka safaarada Sacuudiga ee Syria…


Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay waqti hore in lagu deg dego furitaanka safaarada Sacuudiga ee magaalada caasimada ah ee dimishiq ee dalka Suuriya.

Sacuudiga ayaa sheegay in uu doonayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya xukuumada Bashar Al-Assad balse ay doonayaan in la helo siyaasad degan oo ka hirgasha dalka carbeed oo colaada la degtay sideedii sano ee la soo.dhaafay.

Hadalkaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiiru dowlaha arimaha dibada Sacuudiga Mr Adil Al Jubeyr kadib shir Jaraa,id oo isniintii ku qabtay magaalada Riyadh dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov oo uu kala hadlayay xaalada Suuriya.

Wadamada carabta ayaa bilihii la soo dhaafay qaarkood dib u furtay safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Dimishiq kadib dagaal sokeeye oo sideedii sano ee la soo dhaafay u dhaxeeyay xukuumada Assad iyo dagaal yahanada hubeysan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: