Advertisements
Wararka

Khilaaf ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal sugaha…


Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Caziiz iyo dhaxal sugaha ahna wiilka uu dhalay ee lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf dhaliyay caro badan sida lagu daabacay wargeys-ka The Guardian.

khilaafka madaxda ugu sareysa boqortooyada ayaa waxaa loo sababeynayaa in uu yimid kadib booqasho uu Boqor Salman uga qeyb galay Shirkii Jaamacada Carabta iyo Midowga Yurub oo ka dhacay wadanka Masar. Waxaa kaloo jira intii uu Boqorka uu safarka ku maqnaa in dhaxal sugaha uu u magacaabay haweeneydii ugu horeysay oo safiir noqota Reem bint Bandar dalka Mareykanka iyo safiirkii Sacuudiga Mareykanka ee hore Khalid bin Salman oo laga dhigay wasiir ku xigeenka Gaashandhigga, taasi iyo dilkii Jamal Khashoggi ayaa carada Boqorka kor u qaaday.

La taliyeyaasha dhanka amniga ayaa boqor Salmaan u sheegay in uu ka baaqdo safarka Masar maadaama khatar amni daro ay uga imaan karto walow uu ka biyo diiday.

Xukuumada Masar ayaa dhanka kale beenisay warkaan lagu qoray majalada The Guardian oo ku saabsan in amni daro ay ka jirta dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee khilaafkaan ayaa aad u soo shaac baxay markii Boqor Salman uu ku laabtay magaalada Riyadh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: