Advertisements
Wararka

Kooxda Ajax Amsterdam oo hilfaha u laabtay Real Madrid kana saartay Champions League…


Kooxda Ajax Amsterdam ayaa Real Madrid ku garaacday gurigeeda kana saartay tartanka Champions League, halka Kooxda Tottenham Hotspur ay garaacday kooxda Borussia Dortmund una soo baxday sideed dhamaadka ama quarter finalka.

Soo bixida Ajax ee sideed dhamaadka Champions League ayaa laga joogaa muddo 22 sano ah, waxayna ku soo baxday xisaabta kooxda Real oo ku guuleysatay koobkan 13 jeer. Ajax ayaa Real Madrid uga badisay 4-1.

Keane.jpg

Dhinaca kale Tottenham ayaa gaartay wareega quarter-finalka markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2011 ka dib markii ay Borussia Dortmund uga badisay 1-0, goolkaasi oo dhaliyey Harry Kane oo noqday gooldhaliyaha ugu goolasha badan kooxda ee Champions League.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: