Advertisements
Wararka

Manchester United oo miiska la gedisay kooxda PSG tartanka Champions League…


Manchester United ayaa guul taariikhi ah ka gaartay Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxdaasi Faransiiska ah ka reebtay horyaalka Yurub ee Champions League-ga.

Paris Saint-Germain (PSG) ayaa lugtii hore ee lagu dheelay Old Trafford waxa ay ku soo badisay 2-0, waxaana ciyaarta xalay la saadaalinayay inay si sahal ah ugu badin doonto Manchester.

Romelu Lukaku oo weerarka uga ciyaara Man United ayaa dowr weyn ka qaatay guusha kooxdiisa waxaana uu dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee ay ku badisay.

Goolka guusha waxaa United u dhaliyay Marcus Rashford oo ciyaartoo dhammaad ah rogoore u dhaliyay kooxdiisa.

Khubarada kubadda cagta ayaa saadaalinaya in guushan ay muhiimad gaar ah u leedahay tababaraha kumeelgaarka ah ee Man United, Ole Gunnar Solskjaer ayna u badan tahay in si buuxda loogu magacaabo macallinka kooxdaasi.

Manchester United, FC Porto, Ajax iyo Tottenham ayaa ilaa iyo hadda u gudbay wareegga rubuc dhammaadka, waxaana meesha ka baxay Real Madrid, Borussia Dortmund, Roma iyo PSG oo ahaa kooxaha loo badinayay inay u gudbi doonaan wareeggan.

Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ayaa xiisa gaar ah leh maadaama inta badan kooxihii waaweynaa ay hareen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: