Advertisements
Wararka

Shirkada diyaaradaha Qatar Airways oo duulimaad toos ah ka bilaabeyso magaalada Mogadishu…

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-06-12 18:57:18Z | |

Shirkada Diyaaradaha Caalamiga ee Qatar Airways ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan bilaabeyso duulimaad toos ah ay ku tageyso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Shirkadda Qatar Airways Akbar Al Baker, ayaa shaaca ka qaaday in duulimaadka shirkadooda la balaarinayo ayna soo kordhiyeen duulimaadyo toos ah ay ku tagi doonaan dalal iyo magaalooyin cusub.

Wadamada ay Shirkada Qatar Airways duulimaadyada tooska ah ka bilaabeyso waxaa kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana maamulka shirkada sheegeen in duulimaadkan ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo kasoo kabaneysa bur bur iyo dib u dhac sanado badan la haray ayaa waxaa hada duulimaadyo toos ah ku yimaado shirkado caalami ah ay ugu horeyso shirkada diyaaradaha Turkish Airways.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: