Advertisements
Wararka

Nin hubeysan oo toogasho ku dilay Suldan Bashiir Koonte oo ka mid ahaa Isimada Puntland…


Nin hubaysan ayaa toogasho ku dilay allaha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa Isimadda Puntland.

Toogashada ayaa ka dhacday gudaha masaajidka Mubaarak oo ku yaal xaafadda Laanta Hawada halkaasi oo la sheegay in suldaanka geeriyooday uu u yimid inuu ku tukado salaadda Jimcaha. Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay inuu ka cararay goobta.

“Ilaalo la socotay suldaanka geeriyooday ayaa isku dayay inay gacanta ku dhigaan ninka dilka geystay, balse wuxuu ku tuuray bam-gacmeed sidaa ayuu ku baxsaday.

Weerarkan ayaa ku soo aadday xilli ay hay’adaha amniga Puntland la tacaalayaan xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso, halkaa oo weerarrada ka dhacaya ay kordheen muddooyinkii u dambeeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: