Advertisements
Wararka

Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo xil sare loogu magacaabay Xafiis Qaramada Midoobey…


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa xil sare u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu, kaasoo isaga tagaya xilka uu ka hayo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Qoraal uu soo saaray Guterre ayaa lagu sheegay in Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi.

Hanna S. Tetteh oo horay u heysay xilka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Nairobi ayaa loo magacaabay Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee Midowga Afrika iyo Madaxda Xafiiska Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa sii wadanaya shaqada uu u hayo qaranka dalkiisa inta Abiy Axmed uu ka soo magacaabayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyadoo Xafiiska Abiy Axmed ay ugu hanbalyeeyeen Workneh Gebeyehu xilka cusub ee loo magacaabay.

Wasiirkan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay gudaha Itoobiya, waxaa uu heystaa shahaadooyinka xiriirka Caalamiga ah iyo kuwo Arts ka ah.

Qaramada Midoobey ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa xilal sare ka qabanayay mas’uuliyiin xilal ka hayay dowladda Itoobiya, iyadoo sanadkii 2017 Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom loo magacaabay Agaasimaha Guud ee hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: