Advertisements
Wararka

M/weynaha Uganda oo ku hanjabay inuu ciidankiisa kala baxaayo Somalia, haddii la dhimo…


Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ku hanjabay inuu Ciidamadiisa kala baxaayo Somalia, xilli Golaha ammaanka ay u soo jeediyeen in la dhimo tirada ciidamada Uganda ee Somalia ka hawlgalo.

Museveni ayaa sheegay in isaga uu si shakhsi ahaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu wargeliyay in 6,400 oo Askari oo ka jooga Somalia uu dhamaantood la baxayo haddii Goluhu amro in Ciidanka Uganda la dhimo.

Arrintan ayaa ku soo aaday iyada oo dhawaan Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, uu ku hanjabay in dhamaan Ciidankiisa uu la baxayo kadib markii Golaha ammaanka ay amar ku bixiyeen in 1,000 Askari laga saaro Somalia.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 400 oo ka mid ah Askarta Burundi ka baxeen Somalia halka 600 kale ay wali ku sugan yihiin.

Museveni ayaa yiri “Waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha ammaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari illaa aan dhamaantood soo saaro”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: