Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Mogadishu oo maanta xiran iyo shacabka oo lugeynaya…


Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xireen Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, Iyaga oo u diidaya inay isticmaalan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda.

Wadooyinka ay Ciidamada Xireen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka,isla markaana Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.

Sababaha wadooyinka qaar ee Muqdisho maanta loo xiray ayaa lagu sheegay in saacadaha soo socda la filayo in Magalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh jibriil, isla markaana Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin wadooyinka laga xiro,isla markaana ay ku qasabto inay lugeeyaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: