Advertisements
Wararka

Rakaabkii diyaaradii burburtay oo ka koobnaa in ka badan 30 jinsiyadood oo Soomaali ka mid…


Diyaaradii Boeing 737 oo saaka burburtay oo ay laheyd shirkada Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo dhamaa 157 qof.

Madaxa guud ee shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaradu ay siday rakaab ka koobnaa in ka badan 30 dal.

Rakaabka ayaa ka mid ahaa 32 ka mid ah oo u dhashay Kenya, 18 qof oo ka soo jeeday Canada, sagaal qof oo Itoobiyaan ah iyo min siddeed qof oo ka kala yimid Talyaaniga, Shiinaha, Mareykanka iyo toddoba ka mid ah oo Ingiriis ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa rakaabka toddoba ka soo jeeda Faransiiska, lix Masaari ah, shan Hollandees ah, afar Hindi ah,afar Slovakia, min seddax Austria, Sweden iyo Ruushka, min labo Morocco, Spain, Poland iyo Israel.

Waxaa kale oo diyaarada la socday muwaadiniinta min hal qof Belgium, Indonesia, Somalia, Norway, Serbia, Togo, Mozambique, Rwanda, Sudan, Uganda iyo Yemen.

Waxaa sidoo kale jira qaar rakaabka ka mid ahaa oo watay baasaboorka Qaramada Midoobay oo aan la aqoonsan jinsiyadahooda.

Diyaaradda ayaa ka kacday 8:38 (6:38 GMT)Garoonka Caalamiga ee Bole, markiiba waxaa lumay xiriirka 6 daqiiqo kadib meel caasimada u jirta 60 kilomitir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: