Advertisements
Wararka

Dowladaha Itoobiya iyo Shiinaha oo joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Boeing 737 Max 8….


Dowladaha Itoobiya iyo Shiinaha ayaa joojiyay duullimaadyada nooca diyaaraddii shalay ku burburtay dalka Itoobiya ee galaafatay nolosha 157 ruux.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 737 Max 8 ayaa markii labaad shil foolxun gashay mudo lix bilood gudohooda, waxaana shilkan kii ka horreeyay ay ku gashay dalka Indonesia halkaas oo ay ku dhinteen rakaab lagu sheegay 189.

Shiinaha ayaa la sheegay in inta badan laga iibiyay nooca diyaaraddan shirkadeheeda diyaaradaha.

Lama oga wali waxa keenay ciladda ridday diyaaradan shalay ku bur-burtay dalka Itoobiya, waxaana socda baaris lagu hayo oo uu Mareykanku xitaa qeyb ka yahay.

Dhinaca kale Dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday baroordiiq 3 cisho ah oo loo sameynayo dadkii faraha badnaa ee ku geeriyooday shilkii dayuuradeed ee shalay ka dhacay duleedka magaalada Addis ababa.

Waxaa sidoo kale hoos loo dhigay calanka wadankaas, si loo maamuuso 157 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale la socday dayuurad nooceedu ahaa Boeing 737 oo shalay burburtay, daqiiqado yar ka dib markii ay ka kacday garoonka dayuuradaha Bole, kuwaasoo ka soo kala jeeday illaa 37 dal.

Dhinaca kale, Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysa su’aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya, kaas oo ay ku dhinteen 157-dii qof ee saarnayd.

Duuliyihii kaxaynayay diyaaradda oo magaciisu yahay Yared Getachew ayaa la sheegay in sooyaalkiisa duulimaadka uu aad u fiicanyahay, islamarkaasna haysto 8 kun oo saacadood oo waayo aragnimo duulimaad ah.

Dayuurada 737 Max-8 waa diyaarad ku cusub hawada, waxayna suuqa soo gashay sannadkii 2017-kii.

Tii shalay dhacday waxa ay ka mid ahayd 6 diyaaradood oo shirkadda Ethiopian Airlines ka iibsatay shirkadda Boeing, balse dalabka waxa uu ahaa 30 xabbo, iyadoo kuwii kale aanan weli lasoo gaarsiin shirkadda.

Shirkadda Boeing ayaa sheegtay inay kaalmo farsamo u fidin doonto Itoobiya.

Kadib shilkii dhacay bishii Oktoobar, baarayaasha waxa ay sheegeen in duuliyaha uu ku rafaaday sidii uu u xakamayn lahaa habka kaligiis is haga ee diyaaradda ay ku shaqayso, kaasoo shukaanta diyaaradda mararka qaar kala wareegi kara duuliyaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: