Advertisements
Wararka

Nin xirnaa dharka dumarka oo xalay lagu qabtay degmada Kaaraan ee magaalada Mogadishu…


Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ku qabtay magaalada Muqdisho Nin xirnaa dharka Dumarka, waxaana gaar ahaan Ninkan laga soo qabtay degmada Kaaraan.

Dadka degmada ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen qofkan oo xirnaa Xijaab iyo Indho –Shareer, iyaga oo shakiga kaddib arintan ku wargaliyay ciidamada dowladda oo markii danbe ogaaday in uu yahay Nin soo xirtay dharka Dumarka.

Inkastoo aan wax hub ah lagu qaban, haddana saraakiisha hay’addaha danbi-baarista ayaa sheegay in ay uga shakisan yihiin in uu sirdoon u ahaa Ururka Al-shabaab.

23-kii bishii hore ee sanadan 2019, kooxo Bistoolado ku hubeysan, ayaa degmada Kaaraan ku dishay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho kuma cusba in sidan oo kale ciidamadu soo qabtaan rag ku soo labista dharka Dumarka, kuwaa oo baaritaan kaddib la ogaado in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: