Advertisements
Wararka

Baarlamaanka UK oo diiday mar kale qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub…


Baarlamaanka UK ayaa diiday markale qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee Rai’sul wasaare Theresa May ay isla gaareen Midowga Yurub.
Xildhibaanada aqalka hoose ayaa maanta oo Talaado ah ku diiday 391 cod halka 242 ay ogolaadeen hindisaha heshiiskaasi.
Natiijadaan ayaa ka dhigan in markii labaad wax ka yar laba bilood ay wajaheyso Theresa May guul daro ku aadan hanaanka ay u qorsheysay ka bixitaanka Midowga Yurub oo baarlamaanku aysan ku Qancin.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Arbacada ah ee Berito ayaa baarlamaanka UK waxay u codeyn doonaan hadii heshiis la’aan ay uga baxayaan Midowga Yurub iyo haddii kale, halka maalinta Khamiista loo codeyn doono in dib loo dhiggo ka bixitaanka Midowga Yurub, haddii Arbacada loo codeeyo in aan la ogoleyn in heshiis la’aan looga baxo.
UK ayaa qorshuhu ahaa in ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bishan Maarso 2019.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: