Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’addaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa illaa kun oo ka qayb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaalaheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala.

Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qayb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu cirib tirayo argagaxisada.

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: