Advertisements
Wararka

Iska hor imaad dad ku dhintay qaarna ku dhaawacmay oo ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo…


Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed , kaas oo ka dhashay muran dhul oo maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed.

Maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo Nabad-doonno ayaa ku guulaystay iney kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaallamay.

Dhinaca kale,Ciidammada isku dhafka iyo kuwa xasillinta magaalada Gaalkacyo ayaa goobta gaaray, waxaana ay la wareegeen goobta inta xal laga gaarayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: