Advertisements
Wararka

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo ku baaqay dagaal ka dhan ah kooxda al-Shabaab…


Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud ee gobolka Bay kadib ayuu maamulka Koonfur Galbeed ku baaqay dagaal ka dhan ah xarrakada Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa sheegay haddii aysan bulshada Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeesan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay geysan doonaan dhibaato intan ka badan.

Wuxuu ku baaqay in shacabka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab si looga hortago khasaare danbe oo ay u geystaan sida uu hadalka u dhigay Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay sameyn doonaan qorsho amni oo lagu wajahayo Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Shacabka inay ciidamada kala taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo xoolaha deegaanka Goofguduud waxaa ku nafwaayay inta la ogyahay Shan ruux halka 40 kalana ay ku dhaawacmeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: