Advertisements
Wararka

Isku aadka wareega quarter finalka ee Champions League 2019 oo la soo saaray…


Waxaa la soo saaray isku aadka wareega quarter-finalka ee Champions League, waxaa isku aaday kooxaha Manchester United iyo Barcelona, ​​halka qoorta la isu geliyey Tottenham iyo Manchester City oo Ingriis wada ah, sida ay u muuqato jidka kooxaha Liverpool iyo Juventus ayaa waxoogay ka fududahay tan kuwa kale walow ay ciyaarta kubada cagta aan la dhayelsan karin koox.

Isku aadka ayaa maanta oo Jimco ah laga soo saaray magaalada Nyon ee Switzerland, Liverpool ayaa la kulmeysa Porto halka Juventus ay is arki doonaan kooxda Ajax Amsterdam.

Lugta hore ee kulamada ayaa bilaaban doona 9 iyo 10 April, is araga labaad waa 16 iyo 17 isla April 2019.

Waxaa sidoo kale la soo saaray sida ay kooxaha isugu beegmayaan semi finalka, kooxaha Tottenham iyo Manchester City tii soo baxda waxay la ciyaari doontaa kooxda ka soo baxda Juventus iyo Ajax, kooxaha Barcelona iyo Manchester United tii soo baxda waxay la ciyaari doonta kooxda ka soo baxda Liverpool iyo Porto.

Finalka Champions League ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wanda Metropolitano ee Madrid dalka Spain bisha June 1da 2019.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: