Advertisements
Wararka

Masjidkii lagu laayey dadka ee New Zealand oo ka mid noqday dad Soomaali ah…


Ugu yaraan Seddax ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaada Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadka halkaasi ku geeriyooday ayaa magacyadooda lagu sheegay Sheekh Muuse Nuur Cawaale, Sheekh Cabduqaadir iyo waliba Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Xilliga Masaajidka la weeraray ayaa loo diyaa garoobayey alaada Jimcaha, waxaana mar keliya lagu baraarugay dhawaaqa rasaasta oo adeegsanayey shyaqsiga weerarka geystay.

Qofka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Australia uuna ka mid yahay xisbiyada midigta fog oo ka soo horjeeda soo galootiga iyo Muslimiinta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: