Advertisements
Wararka

Ugu yaraan Soddon ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid ku yaalla dalka New Zealand…


Ugu yaraan soddon ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin u dhashay dalka Australia ahna 28 jir uu rasaas ku furay dad ku tukanayay masjid ee Muslimiinta ku nool dalka New Zealand.

Ninka weerarka geystey ayaa boggiisa Twitterka ku sheegay magaciisa Brenton Tarrant waxana weerarka uu ka dhacay Masjidka Alnoor.

Afar ruux oo mid kamid ah ay tahay dumar ayaa loo xirey weerarkan waxaana la sheegay in mid ka mid ah dadkaas la xirey uu xirnaa suunka isqarxinta.

Wadanka New Zealand ayaa ku yaal cirifka Bari ee caalamka waxaana masaajidyada la weeraray lagu jirey xilligii salaada Jimcaha.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in weerar kale uu ka dhacay masjid ku yaal magaalada Christchurch Hospital waxaana lagu weeraray bambooyin gaadiid halkaa yiil.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: