Advertisements
Wararka

Ciidamada Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay 22 shabaab iyo labo sarkaal deegaanka Jilib…


Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha deegaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab, ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay hawlgalkaasi qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Jilib Marka in lagu dilay 22 Shabaab & laba Sarkaal.

Idaacadda ku hadashada Afka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo ay u xaqiijiyeen in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha deegaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab ayaa intaa raaciyay in xubno hogaan u ah Al-Shabaab iyo ku dhawaad 22 Dagaal yahan in Howlgalka ay ku dileen.

Magacyada saraakiisha ay howlgalka sheegeen in ay ku dileen Ciidamada isugu jiray Danab iyo Mareykanka waxa ay ku kala sheegeen Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza oo ay sheegeen saraakiisha in uu dhawaan kasoo laabtay Dalka Siiriya.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Danab oo xaqiijinaya in howlgalkaasi qorsheysan lagu dilay xubnahaasi Shabaab ka tirsanaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: