Advertisements
Wararka

Fanaaniinta caanka ah Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar oo dalka dib ugu soo laabtay…


Fanaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa soddon sano kadib ku soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho.

Labadan fanaan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadkii la socday wafdiga uu horkacayay madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waan soo laabanay waana ku faraxsanahay in aan dalkeena dib ugu soo laabanay.”ayuu yiri Samatar oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale Axmed Cali Cigaal ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana farxadiisa ay la mid tahay mid uu hawada sare marayo.

Fanaaniin badan ayaa hore dib ugu soo laabatay dalka inkastoo qaar ka mid ah ay dib ugu laabteen wadamadii ay ku noolaayeen oo ay ka heleen degenaansho dagaaladii sokeeye kadib.

Hase yeeshee fanaantii dib u soo laabatay ayaa waxaa ka mid ahayd Allaha unaxariistee Saado Cali Warsame oo kamid noqotay xildhibaanada baarlamaanka balse lagu diley magaalada Muqdisho.

Lama oga in fanaaniinta timid maanta inay sii joogi doonaan ama ay dib ugu laaban doonaan waddamadii ay ku noolaayeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: