Advertisements
Wararka

Inta badan wadooyinka magaalada Mogadishu oo xiran saaka iyo dadka oo lugeynaya…


Ciidamada ammaanka Muqdisho ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxayna Bulshada yihiin kuwa lugeyanaya.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana halkaasi lagu arkayaa Ciidamada dowladda oo taagan wadooyinka.

Gaadiidka shacabka ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan wadooyinkaasi, balse waxaa la ogol yahay kaliya inay maraan gaadiidka dowladda.

Sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay imaanshaha Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho.

Inta badan madaxda sare marka ay soo gaarayaan Muqdisho ayaa waxaa loo xiraa wadooyinka si loo sugo ammaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: