Advertisements
Wararka

Qoys Somali ah oo baadi goobaya wiil 3 jir ah oo ku sugnaa masjidka Al-Noor xiliga weerarka…


Qoys soomaaliyeed ayaa baadi-goobaya wiil 3-jir soomaali ah oo lagu magacaabo Mucaad Ibraahim kaas oo ku sugnaa masjidka Al-noor ee magaalada Christenchurch shalay markii uu weerarku ku qaadayay ninka cunsuriga ah ee lagu magabaaco Brenton Tarrant.

Mucaad ayay wararku sheegayaan in uu masjidka kula sugnaa aabihii iyo walaalkii ka weyn xilliga uu weerarku dhacayay, waxaana Aabihii oo weerarkaasi lagu dhaawacay uu iska dhigay ruux dhintay halka walaalkiina uu ilaahay ka bad-baadiyay islamarkaana masjidka orod uga baxay.

Ehelada Mucaad ayaa shalay oo dhan waxa ay ka baadi-goobayeen wiilkooda isbitaallada la dhigay dhaawacyada, waxaana ay sheegeen in uusan ku jirin liiska dadka isbitaallada la geeyay ee la dabiibayo.

Waxa ay u badinayaan in wiilkoodu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarka, balse ay wali rajeynayaan in isagoo nool la helo.

Abdi Ibrahim oo ah walaalka weyn ee Mucaad ayaa ku tilmaamay walaalkiis ruux farxad la saaxiib ahaa islamarkaana xilli walba faraxsanaa.

Waxa uu Cabdi sheegay in ilaa shalay ay dadku soo wacayeen, weydiinayeena sida ay u caawin karaan.

Ilaa afar soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday labada masaajid ee shalay ka dhacay dalkaasi New Zealand.

Booliska ayaa rumeysan in ninka weerarka geystay uu marka hore weeraray masjidka Al-noor, dabadeedka uu abaaray masjidka kale ee lagu magacaabo Linwood halkaas oo uu sidoo kale ku dilay 7 ruux.

Brenton Tarrant oo 28 jir ah ayay weerarkan u qabteen, waxaana ay sheegeen in uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Australia.

Ninkan ayaa toos u duubayay falkiisa weerarka, isagoona ka baahinayay barta bulshada ee Facebook-ga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6534 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: