Advertisements
Wararka

Cali Dheere: Dhiiga shuhadada Muslimiinta lagu daadiyey NZ meel cidlo ah kuma dhibci doono…


Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Cali dheere) ayaa tacsi u diray dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu gumaaday weeraradii lagu qaaday labada Masjid ee ku yaalay magaalada ChristChurch ee wadanka New Zealand wuxuuna Allaah uga baryay inuu ka aqbalo intii ku shahiiday, una boog dhayo kuwa dhaawaca ah.

Shiikh Cali Dheere ayaa Muslimiinta ku booriyay in ay sabraan, isagoo sheegay iney la xanuunsanayaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas.

“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwa falkaas geystay gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.

Muslimiinta ku nool wadamada Reer galbeedka ayuu Sheekh Cali dheere ugu baaqay iney fahmaan waaqica ka jira caalamka, ayna wax ku dhistaan, isagoona ku waaniyay in aaney ku kedsoomin hadallada ay jeediyaan madaxda iyo siyaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku aadan wada noolaansha iyo xorriyada diimaha.

Dhiiga shuhadada Muslimiinta ee lagu daadiyey masaajidada New Zealand meel cidlo ah kuma dhibci doono, rag u aarguda ayeyna heli doonaan ha dhowaa ama ha dheeraato, waana lagu xisaabtami doonaa” ayuu intaas raaciyey Shiikh Cali dheere.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: