Advertisements
Wararka

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qaraxay wadada Maka Al-Mukarama…


Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaallaan ganacsi kala duwan.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgoyska Dabka, gaar ahaan goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale sheegayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa, waxaana uu geystay burbur xoog leh oo soo gaaray goobaha uu ka dhacay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: