Advertisements
Wararka

Gabar dhallinyaro ah oo dhashay laba jeer bil gudaheed mar hal cunug marka kale mataano…


Dhacdo dhif ah, gabadh dhallinyaro ah oo Bengaali ah ayaa dhashay laba jeer bil gudaheed, sababtoo ah waxay leedahay laba ilmo galeen.

Sida laga soo xigtay war ay faafisay BBC, Arafa Sultana, oo 20 jir ah, waxay dhashay ilmo lab ah bishii Febraayo ee la soo dhaafay hadanna 26 cisho kadib waxay dareentay xanuun dhinaca caloosha ah.

Ka dib markii loo qaaday isbitaalka, waxaa la ogaaday inay leedahay ilmo-galeen labaad oo ay ku jiraan mataano.

Sultana ayaa la marsiiyey qalliinka Caesarean ka hor inta aysan isbitaalka ka tegin iyada iyo mataanaheeda iyaga oo caafimaadkooda uu wanaagsan yahay bishan March.

“Waxaan la yaabnay markii aan ka aragnay sawirka raajada mataano, sababtoo ah waligeen horay noooma soo wajahan xaalad tan la mid ah,” ayey tiri Silla Baudar oo ah dhakhtarada.

Marka la eego, Sultana waxay sheegtay in imaatinka caruurteeda ee noloshan iyaga oo caafimaad qaba ay tahay mucjiso Rabaani ah.
“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo faraxsan” sidaasi ayey raacisay.

Shabakada Wararka
hagaa.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: