Advertisements
Wararka

Tahriibayaal afduubay markab uu badbaadinayey oo saaka ku xirtay jaziirada Malta…

This image taken from TVM video on Thursday March 28, 2019 shows armed forces onboard the Turkish oil tanker El Hiblu 1 in Valletta, Malta, which was hijacked by migrants. A Maltese special operations team on Thursday boarded a tanker that had been hijacked by migrants rescued at sea, and returned control to the captain, before escorting it to a Maltese port. (TVM via AP)

Tahriibayaal ka badan 100-qof oo kasoo safray xeebaha Liibiya kuna sii jeeday Qaarada Yurub ayaa afduubtay Markab nuuca xamuulka qaada ah oo bad baadiyay xili ay Tahriibayaashaasi ku sugnaayeen xaalad adag.

Dadka Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay bilaabeen in ay afduubaan Markabka markii lagu wargaliyay in dib loogu celinayo dalka Liibiya ay kasoo safreen, waxa ayna Tahriibayaasha Kabtanka ku qasbeen in uu u wado dhinaca Jaziirada Malta.

Markabka la afduubtay ayaa ku xirtay dekeda jaziirada Malta saaka, waxaana fuulay ciidamo aad u hubeysan oo Malta ah iyaga oo gaar adag ka hayo markabka.

Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa si adag u sheegay in Markabka ay afduubteen Tahriibayaasha aysan u ogolaan doonin in uu xeebahooda kusoo xirto, waxa ayna talaabadaasi lagu afduubtay Markabka ku tilmaameen mid laga xumaado.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa tahriibeyaasha Markabka afduubtay ku tilmaamay burcad badeeed, waxa uuna cadeeyay in dadkaasi aysan u ogolaan doonin in dalkooda cagta soo dhigaan ama xitaa arkaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: